Sign in to follow this  
Deeq A.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
safiirka-yurub.jpg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Hargeysa kula kulmay wafti ka socda beesha caalamka oo uu hoggaaminayo Safiirka Midowga Yurub  ee Soomaaliya Amb. Nicolas Belanga Martinez.

Madaxtooyada Somalilnad ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kulnaka Muuse Biixi iyo Safiir Nicolas Belanga Martinez, waxaana la sheegay in ay kawad hadleen rrimo dhowra oo ay ka mid yihiin qabsoomidda doorashooyinka golayaasha wakiillada iyo deegaanka, xallinta khilaafka guddida doorashooyinka  iyo taageerada ay beesha caalamku ka geysato horumarka arrimaha bulshada, doorashooyinka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa qoondada dhaqaale ee ay bessha Caalmaku ku taageerto Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Muuse Biixi uu sheegay xukuumadiisa ay ka go’an tahay qabsoomidda doorashooyinka marka ay axsaabta isla meel dhigaan suurta-galnimada doorashooyinka farsamo ahaan iyo sharci ahaan, sidoo kale wuxuu sheegay in gogoshii uu u fidiyey labada xisbi mucaarid ay halkeedii taallo.  

Madaxweyne Muuse Biixi waxaa kulankaa ku wehelinaayey, Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) shir-guddoonka guurtida iyo wakiillada iyo ku xigeenadooda, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Ahmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Siciid Jaamac Cali, Wasiirka horumarinta Maaliyadda, Sacad Cali Shire, Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Liibaan Yuusuf Cismaan, la-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha Cismaan Sheekh Ahmed, la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),

Dhinaca kale waftiga safiirka Midawga Yurub, Amb Nicolas Berlanga Martinez, waxa ku wehelinayey safiirka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi, Safiirka Jarmalka Amb. Annett Guenther iyo masuuliyiin ka socday Netherlands, Finland, Poland, Austria, IGAD iyo Denmark.

PUNTLAND POST

The post Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo Hargeysa kula kulmay Muuse Biixi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this