Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 4 qof kasoo afduubatay gudaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wajeer (Caasimadda Online) – Rag looga shakisan yahay dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa afar qof waxaa ay ka afdubteen  duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya, sida uu daabacay Wargeyska Daily Nation.

Afarta  qof ee la afduubtay ayaa la sheegay in ay  ahaayeen shaqaale dhisme oo howlgalayay magaalada Wajeer, sida uu sheegay  Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer  Cumar Bijaa.

Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday in shaqaalaha dhismaha ay wateen gaari  dul banaan ah, islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba  iyo  Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer.

Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Bariga ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay.

Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this