Sign in to follow this  
Deeq A.

5 Qodob Oo Ay Ku Heshiiyeen Beelihii Ku Dagaallamay Mudug (Akhriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Dhulka xooga Dalka Soomaaliya iyo Taliyaha Ciidanka Qeybta 21 aad ayaa Goobjoog ka ahaa heshiiskaas oo lagu dhameynayo colaad ka taagneyd Degaannada Af-barwaaqo iyo Towfiiq oo dhaca Bariga Mudug.

Odayaasha Labada dhinac ayaa Ku heshiiyay Shan qodob si loo dhameeyo Colaada labada Beelood,kuwaas oo kala ah.

1- In la dhiso Ciidamo isku dhaf ah

2- In la Magacaabo Guddi Odayaal ah oo ka kooban 10 Xumnood,

3- In si Nabad ah ay u wadda daaqaan Xoolaha Dadka reer Guuraaga ah

4- In qofkii qof kale dila lagu xukumo dil toogasho

5- In Reerkii reer kale ku duulaa Dowladda Soomaaliya ay la wareegi doonto

Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya ee ku sugan Degaannadaas ayaa kormeeray dhammaan meelihii laga kala qaaday ciidanka Beelaha dagaallamay.

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this