Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Ka Jawaabtay Inay Taageerto Dagaalyahanada Taalibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Iran)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Iiraan ayaa beeniyay sheegashada Mareykanka ee ah in Tehraan ay taageero Millatari siiso maleeshiyada Taliban ee dagaalka kula jirta ciidanka Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.

1576702708d4e32.jpg

Xoghayaha guddiga Nabadgalyada Iiraan Cali Shamkhani ayaa meesha ka saaray eedaymo kaga yimid Mareykanka waxaana uu tilmaamay in Iiraan ay ka shaqeyneyso xasiloonida iyo xal u helida Nabada dalka ay colaadda la degtay.

Shamkhani ayaa intaa raaciyay in xukuumada Kabul ay u taagan yihiin sidii ay uga caawin lahaayeen in ay Saldhigato.

Bishii hore ayay aheyd markii wasaarada difaaca Mareykanka ay sheegtay in dowlada Iiraan dhaqaale iyo hub ay ku taageero kooxda Talibaan oo Mareykanka dagaal kula Jirta.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this