Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku-simaha guddoomiyaha gobalka Banaadir oo laga xirtay xafiiska gudoomiyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha xafiiska Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqo Muqdisho ayaa ku simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka ee dhanka Maaliyadda Ibraahim Dheere u diiday in uu fariisto xafiiska duqa, maadaama uu yahay ku simaha guddoomiyaha.

Cumar Filish, oo ku maqan dalka Qatar ayaa maalintii koowaad ee safarkiisa telephone usoo diray agaasimaha xafiiskiisa isagoo ku amray in uu xafiiska u xiro islamarkaana uu xafiiskiisa ku shaqeeyo ku simihiisa oo ah Ibraahim Dheere.

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online, Ibraahim dheere oo aan ka war qabin amarkaan ayaa maalintii labaad soo fariistay xafiiska ka hor inta uusan agaasimaha imaanin ,iyadoo isla maalintaas mar uu xafiiska ka dhamaaday quful laga taagay.

Ku simaha Guddoomiyaha gobalka ayaa maalintii saddexaad ee xigtay markii uu xafiiska yimid loo diiday in loo furo waxaana lagu wargeliyay in uu yahay amar ka yimid Cumar Filish.

Tan iyo wixii maalintaas ka dambeeyay Ibraahim Dheere waxa uu ku shaqeeyaa xafiiskiisii hore, taas oo muujineysa in uu banaanyahay booskii kusimaha guddoomiyaha gobalka Banaadir islamarkaana loogu diiday arrimo amni.

Gobalka Banaadir ilaa hada kama jirto Kalsooni amni waxa uuna maamulku la daala dhacayaa dhibaatadii uu ka dhaxlay weerarkii ka dhacay aqalka Dowladda Hoose oo ay fulisay Haweeneey ka tirsaneed shaqaalaha gobalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this