Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Wakiilada Mareykanka oo meel-mariyey xil-ka-xayuubinta Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Aqalka Wakiilada dalka Mareykanka ayaa u codeeyey in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump kadib bilo loolan adag uu ka dhex socday dimoqraadiga iyo Jamhuuriga.

Aqalka ayaa u codeeyey islamarkaana ansixiyey laba qodob oo loo cuskaday xil-ka-xayuubinta Trump, kuwaas oo kala ah; inuu ku xadgudubay awoodda xafiiskiisa, iyo inuu is-hortaagay baaritaanka Congress-ka Mareykanka.

Ansixinta xil-ka-xayuubinta Trump ayaa waxaa ogolaaday 230 oo ka mid ah Aqalka, halka ay diideen 197. Xubnaha ogolaaday xil ka xayuubinta ayaa dhammaantood ka tirsan xisbiga dimoqraadiga, halka xubnaha diiday ay dhammaantood yihiin Jamhuuri iyo laba dimoqraadi ah.

Madaxweyne Trump ayaa lagu eedeeyey inuu awoodda xafiiska u adeegsaday inuu ku cadaadiyo dowladda Ukraine inay baaritaan ku sameyso madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden, oo ay suurta-gal tahay inuu Trump kula loolamo doorashada madaxweynaha ee 2020.

Trump waa uu beeniyey dhammaan eedeymaha loo jeediyey, waxaana uu ku adkeystay inaanu wax khalad ah sameyn.

Tallaabada xigta cod-bixintan ayaa ah in Aqalka Senate-ka uu maxkamad saaro madaxweynaha Trump, islamarkaana go’aan ka gaaro xil-ka-xayuubinta Trump ee ay u codeeyeen xubnaha Aqalka Hoose.

Si Trump xilka looga qaado, loogana saaro xafiiska, waa inay ogolaadaan saddex meelood laba meel xubnaha Aqalka Senate-ka, taasi oo u muuqata inay tahay mid aan dhici doonin maadaama aqalkaas ay ku badan yihiin Jamhuuriga.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this