Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi Axmed Xuseen Cabdile oo lagu caleema-saaray Buurtinle

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad Ballaaran oo Beesha Reer Xirsi ee Cumar Maxamuud ku caleemasaaraysay Fiqi Axmed Xuseen Cabdilee Codweyn ayaa maantay lagu qabtay Degmada Buurtinle ee Gobalka Nugaal.

Munaasabada Caleemasaarka Fiqiga oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay Nabadoono,Waxgarad,Cuqaal,Wakiilo matalayey isimada dhaqanka kana yimid deegaanada ay soomaalidu degto,aqoonyahan,Haween Culimo,Abwaano dhalinyaro iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Beesha Reer Xirsi ee soo dooratay fiqiga ayaa sheegay in fiqigu yahay Isinka guud ee beesha reer xirsi waxaana ay sheegay inay ku doorteen inuu u qalmo duubka isinimo ee loo cimaamaday madaama uu ku sifoobay astaamihii Isimino.

Waxgaradka iyo cuqaashii ka hadlay munaasabada ee beesha ayaa u rajeeyey in Fiqiga alle u fudeeyo xilka loo igmaday waxaana ay kula dardaarmeen inuu ka qaybqaato doorka hogaamineed ee isimada Soomaaliyeed.

Nabadoono,Waxgarad iyo cuqaal ku hadlay afka beelaha kale ee kasoo qaybgalay munaasabada ayaa soo dhaweeyey fiqiga cusub waxaa ay tilmaameen inay la qaateen Beesha soo xulatay fiqiga iyagoo alle uga baryey inuu u fududeeyo xilka culus ee uu beesha u qaaday.

  • 1-20.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-10.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-11.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-9.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 8-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 10-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 11-3.jpg?w=1000&ssl=1
  • 12-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 13-4.jpg?w=1000&ssl=1
  • 14-1.jpg?w=1000&ssl=1
  • 15.jpg?w=1000&ssl=1
  • 16.jpg?w=1000&ssl=1
  • 18.jpg?w=1000&ssl=1
  • 19.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Fiqi Axmed Xuseen Cabdile oo lagu caleema-saaray Buurtinle appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this