Deeq A. Posted December 18, 2019 Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa wuxuu shaqo joojin rasmi ah ku sameeyay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Taliyaha Guud. Digreetadda kasoo baxday Taliyaha ayaa lagu sheegay in shaqo joojinta Jeneraal Maxamed Cumar Xirsiile ay la xiriirto kiis lagu eedeeyay. Afhayeen u hadlay taliska ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyay “dhacdadaas”. Dhacdada lagu eedeeyay Xirsiile ayaa ah maxbuus-xanuunsan oo dhintay, taasoo ay cabasho ay ka muujiyeen qoyska marxuumka. Jeneraal Xirsiile oo kahor shaqo joojinta beeniyey eedeyntaas ayaa xusay “si qaldan” loo dhigay “naxariis uu u sameeyay maxbuuska dhintay”. Gabagabadii, warka kasoo baxay Taliska Ciidamadda Asluubta, ayaa lagu sheegay in la magacaabay Guddi ka kooban sideed xubnood, kuwaasoo baaraya kiiskan, wallow aysan caddeyn hadii xabsi loo taxaabay Xirsiile. View the full article Share this post Link to post Share on other sites