Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Cuba oo ka war bixisay xaalada dhaqaatiir ay Al-Shabaab ka afduubatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweyne ku xigeenka Golaha Wasiiradda Cuba oo ka warbixiyey xaaladda dakhaatiir u dhalatay dalkaas oo Al-Shabaab ay qafaalatay ayaa carabka ku dhuftay “in ay caafimaad iyo bad-qabaan”.

Assel Herrera iyo Landy Rodriguez ayaa 12-kii April, 2019, laga afduubtay magaaladda Mandheer, gaar ahaan meel ku dhow xadka Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta amniga oo fahfaahin kooban bixiyey ayaa shaaca ka qaadey in howladeenadda lagu haysto meelo kamid ah Soomaaliya.

Laba dhakhtar ayaa kamid ah boqol u dhalatay Cuba, oo dowladda waddankas u soo dirtay Kenya si ay howlo caafimaad uga fuliyaan degaanada miyiga ah ee gobolada kala duwan ee Kenya.

Cuba ayaa horay u sheegtay in kooxda heysata labada dhaqtar ay dalbadeen madaxfurasho dhan $1.5Milyan oo doollarka Mareykanka ah inkasta oo aan la caddeyn in Cuba bixineyso haddana dowladda Kenya ayaa xilligaas sheegtay in siyaasaddeeda arrimaha dibadda aysan ahayn bixinta madax furasho.

“Labadda dowladood waxay qaadi doonan howlgalo wadajir ah si aan muwaadiniinteena ugu soo celino Cuba iyagoo bad-qaba,” ayuu hadalkiisa ku daray Ines Maria Chapman.

Hadalkan ayuu u sheegay wariyeyaasha markii uu dib ugu laabtey magaaladda caasimadda ah ee Havana kadib socdaal uu ku tegay Nairobi, xarunta waddanka Kenya, halkaasoo uu kula kulmay madaxda ugu sareysa.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dhaqaatiirta kale ee u dhashay Cuba dib u dejin loo sameeyay lagana wareejiyay aagga sohdinta Soomaaliya lana dejiyay meel u dhow caasimadda Nairobi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this