Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Deegaanka Laascaanood Oo Diiddan In Magaalada Biyo-gelin Laga Sameeyo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Laascaanood)-Xildhibaannada Golaha deegaanka ee Laascaanood ayaa ka hor-yimid biyo-gelin la doonayo in laga sameeyo Magaalada Laascaanood.

Golaha-Deegaanka-Laascaanood.jpg

Xildhibaannada ayaa sheegay in shirkadda la siiyey Mashruuca biyo-gelinta Laascaanood doonayso inay Magaalada Biyaha uga soo jiiddo Ceelka Goojacade oo ay sheegeen in biyihiisa aanay Xooluhu Cabbin karin, sidaasi darteedna waxay ugu baaqeen Dawladda Somaliland inay mashruuca dib u eegto.

Xildhibaan Maxamed Aflahaar oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha deeganka Laascaanood ayaa sheegay in aanay ogolayn in Magaalada Laascaanood biyo looga soo geliyo Ceelka Gooja-cadde, waxaanu yidhi “Dawladdii Riyaale biyo-gelin ayay ballan qaaday, Tii Siilaanyo iyana doorashada waxay ku gashay in ay biyo-gelin samaynayso, halka Muuse Biixina uu sidaas si la mid ah u ballan-qaaday, haddana la sheegay in ceelka Gooja-cadde oo aan xooluhu cabbi karin in la yidhaahdo waa laga soo jiidayaa taasina maaha mid aanu yeeli karno”

Xildhibaannada Golaha deegaanka oo dhaliilay Shirkad Magaceedu yahay Nugaal oo la sheegay inay ku guulaystay Mashruuca Biyo-gelinta Laascanood, ayaa diiddan Ceelka la doonayo in Biyo-gelinta looga sameeyo Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay sheegeen inaan biyihiisa xooluhu cabbi karin.

Shirkadda Nugaal oo ah Shirkadda wadda Biyo-gelinta Laascaanood ayaa dhawaan qalabka biyaha lagu sifeeyo ku rakibtay duleedka Magaaladaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this