Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Puntland oo qarxisay miinooyin lagu aasay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta ciidamada Puntland ay fashiliyeen qaraxyo lagu aasay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee laga hago meelaha fog-fog ayaa la dhigay bartamaha magaalada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee maamulkaasi.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay si nabadoon ku soo saareen miinooyinkaasi, kadibna ay qarxiyeen.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka waxa ay sheegeen inay heleen xog ku aadan qaraxyada, kadib markii ay la soo wadaageen dad shacab ah.

Sidoo kale ciidamada ayaa intii uu socday baaritaanka xiray dhaq dhaqaaqa waddooyin muhiim ah oo ku yaalla halkaasi, inkastoo markii dambe la furay.

Muddooyinii la soo dhaafay ammaanka Boosaaso ayaa ahaa mid degan, waxaana howlgallo ka waday ciidamada Booliska ee maamulka Puntland.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Qarax 2-62 3-56 4-23

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this