Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin dil ka geystay Dhuusamareeb oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee ka howlgal Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay walaalkiis oo ay ilmo adeer ahaayeen ku dilay gudaha magaaladaasi.

Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidamada Xasilinta ee degmadaasi ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey isla xaaafadda uu dilka ka geystay.

Taliyaha ayaa sheegay in haatan ay baaritaano ku socdaan eedeysanaha, islamarkaana ay dib ka faah faahin doonaan waxa sabab dilkaasi.

Dhacdadaan ayaa waxaa maanta si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this