Sign in to follow this  
Deeq A.

Pakistan Oo Ka Digtay Dagaal Dhexmara Hindiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Geneva)-Raysal Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa sheegay in ficilada dowlada Hindiya ee ka dhanka ah gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir iyo sharciga cusub ee Muwaadinka uu dhalin doono in malaayiin muslimiin ah ay Qaxooti Noqdaan.

157661190339dc8.jpg

Isaga oo ka hadlayay shirka caalamiga ah ee arimaha qaxootiga oo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Geneva, ayaa wuxuu sheegay in dhibaatada Hindiya ay keeni karto barakac Cusub.

Mr Khan ayaa intaa raaciyay in sidoo kale ay dhici karto dagaal dhaxmara dalalka Pakistan iyo Hindiya oo haysta hubka Nuclear-ka.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii ra’isul wasaare Narendra Modi uu qalinka ku duugay sharci ka dhan ah qaxootiga Muslimiinta ee ka soo jeeda wadamada dariska.

Mr Modi ayaa sheegay in sharci muwaadinimo ayna heli doonin dadka ka soo jeeda Bangladesh Pakistan iyo Afghanistan ee Muslimiinta Ah.

Hogaamiyaha Pakistan ayaa caalamka ugu baaqay inay ka hortagaan xasuuq la mid ah kan qowmiyada Rohingya u geysatay dowlada Myanmar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this