Deeq A. Posted December 18, 2019 Dowaladda Maraykanka ayaa ku dhowaaqday in ay Soomaaliya ka cafisay deyntii ay ku lahayd markii ay Aqalka Kongreska cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen. Go’aanka uu maraykanku deynta kaga saamaxay Soomaaliya ayaa waxaa hormuudna ka ahayd Xildhibaanad; Ilhan Cumar , oo aksoo jeedda Soomaaliya. Ilhaan Cumar, ayaa sheegtay in Maanta ay ku guuleysteen in la cafiyo deymaha uu Mareykanka ku lahaa Soomaaliya, arrintaanna ay horseedi doontaa in horay loo socdo lana gaaro barwaaqo. Xildhibaanadda ayaa intaa raacisay in qorshahan deyn cafinta uu yahay tallaabo horay loo qaaday, ayna rajeyneyso in laga wada shaqeeyo Soomaaliya nabdoon oo dimuqraaddi ah. Tallaabadan uu qaaday Mareykanka ayaa sidoo kale loo arkaa in ay horseedi doonta in Dalal kale ay cafiyana deymaha ay ku leeyihiin Soomaaliya. Deymaha ayaa caqabad ku ahaa Dowladda Soomaaliya, maaddaama ay adag tahay in waxyaaba badan ay kala macaamisho hay’daha maaliyadda Caalamka, waxaana qorshahan Mareykanka uu muhiim u yahay qorshaha deyn cafinta ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites