Deeq A. Posted December 18, 2019 Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaco ah waxa ay cod u qaadi doonaan in xilka laga qaado madaxweyne Donald Trump iyo in kale. Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington ayey dhammaan xubnaha Aqalka wakiilada cod u qaadi doonaan Laba qodob oo dastuuri ah oo ay u cuksanayaan xil ka xayuubinta madaxweynaha. Arrintan ayaa kala qeybsanaan xooggan gelisay xibiyada Jamhuuriga iyo dimuqraadiga, waxaana wax walbo la ogaan doonaa saacado kadib. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites