Deeq A. Posted December 18, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerar qorsheysan oo markale ay ka fulisay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. War ka soo baxay Al-Shabaab, islamarkaana lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi oo ka dhacay tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM u jirta magaalada Gaarisa lagu qaaday shaqaale ka tirsanaa xukuumadda Nairobi. Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in halkaasi lagu dilay ugu yaraan illaa 9 qof oo Kirishtaan ahaa. “9 qof saliibiyiin Kenyaan ah kana mid ahaa shaqaalaha dowladda Kenya ayaa ku dhitay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen tuulada Harbuul oo qiyaastii 53 KM ujirta magaalada Gaarisa” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi,. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ka fulisa gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada ku dhow xadka Soomaaliya. Dhowaan ayey aheyd markii weerar dhaba gal ahaa oo ay ku qaaday gaari Bas ah ay ku dishay illaa 10 qof oo Kenyaan ahaa, kuna ku jireen saraakiil ka tirsanaa Booliska dalkaasi. Share this post Link to post Share on other sites