Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dil ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay dhacda xanuun badan ay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kadib markii nin deegaanka ah uu dilay walaalkiis.

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Waabari ee degmada Dhuusamareeb, iyadoona loo geystay Marxuum magaciisa lagu soo koobay Raage.

Sidoo kale ninka dilka geystay oo isna magaciisa lagu sheegay Faa’id ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxday, islamarkaana ay haatan ku raadjoogaan ciidamada ammaaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkaan uu yimid, kadib markii uu muran sababay gacan ka hadal uu dhexmaray labadaasi ruux oo walaalo ahaa.

Arrintan ayaa waxaa saaka si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this