Deeq A. Posted December 18, 2019 Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay dhacda xanuun badan ay ka dhacay gudaha magaaladaasi, kadib markii nin deegaanka ah uu dilay walaalkiis. Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Waabari ee degmada Dhuusamareeb, iyadoona loo geystay Marxuum magaciisa lagu soo koobay Raage. Sidoo kale ninka dilka geystay oo isna magaciisa lagu sheegay Faa’id ayaa la sheegay inuu goobta isaga baxday, islamarkaana ay haatan ku raadjoogaan ciidamada ammaaanka. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilkaan uu yimid, kadib markii uu muran sababay gacan ka hadal uu dhexmaray labadaasi ruux oo walaalo ahaa. Arrintan ayaa waxaa saaka si aad ah looga hadal hayaa gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada dowlad goboleedka Galmudug. View the full article Share this post Link to post Share on other sites