Sign in to follow this  
Deeq A.

Kaamirooyinka lagu xiray jidadka Muqdisho oo laga digay halis ku soo wajahan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah Sarkaal hore oo ka tirsanaa hay’addii nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, ayaa ka digay qatar ku soo wajahan Kaamirooyinka lagu xiray wadooyinka Muqdisho.

Mr Xaashi ayaa amaanay talaabada lagu xiray kaamirooyinka isagoo ku taliyay in dhinaca wanaagsan looga faa’ideesto islamarkaana la gaarsiiyo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee gobalka Banaadir.

Cabdullaahi Nuur Xaashi ayaa sheegay in ay qatar ku soo food leedahay Kaamirooyinka, taas oo ka imaan karta Al-shabaab iyo kooxo kale.

“Al-Shabaab waxay ku fikirayaan sidii ay isaga leexin lahaayeen kaamirooyinka, haddii ay jaanis helaan waxay ku xirayaan qaraxyo sidii baalooyinkii cad ceeda ku shaqeeya, sidoo kale tuugo ayaa furan karta hadii aan la ilaalin” ayuu yiri Cabdullaahi Nuur Xaashi oo la hadlay Radio Kulmiye.

“Waxaan ku talinayaa in loo sameeyo askar ilaalisa 5-tii xabo ee Kaamiro ah ama waxaa imaan doonto in la qarxiyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Mr Xaashi.

Al-Shabaab ayaa hore u qarxiyay qaar kamid ah baalooyinkii magaalada Muqdisho ee dhalin jiray leerarka cad ceeda ku shaqeeya kadib markii ay qaraxyo ku xireen.

Si kastaba, goobaha hadda la suray kaamirooyinkan ayaa ah goobo amingooda aad u wanaagsan yahay, waxaana adag inay Al-Shabaab yimaadaan oo ay ficillo ka gaystaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this