Sign in to follow this  
Deeq A.

Indha Cadde oo sheegay in uu cadaalad u raadsanayo maxkamadaha Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde oo horay usoo noqday wasiiru dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga DF islamarkaana hadda kamid ah mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca ayaa sheegay in nidaamka cadaaladda Al-Shabaab uu ka wanaagsan yahay midka dowladda.

Yuusuf Indha Cadde ayaa ku eedeeyey Maxkamadaha Gobolka Banaadir inay ka jiraan cadaalad darro baahsan.

Jeneraal Indha Cadde, oo sheegay inay Maxkamadda Gobolka ka taalo dacwad ku saabsan dhul, ayaa sheegay inuusan marnaba ka fileyn in si cadaalad ah loo qaado.

Wuxuu tilmaamay in dadka dacwadda kala dhaxeyso aysan heysan wax Documentiyo ah oo keeni kara in dacwad la furo, isla markaasna ay qalad tahay in gal dacwadeed looga furo Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Indha Cadde ayaa muujiyay in uu ku qanacsanyahay maxkamada Islaamiga ah ee Xarakada Al Shabaab uuna diyaar u yahay in uu halkaas cadaalad u doonto balse uu ka baqayo in la dilo.

“Al-Shabaab ayaa cadaalad u doonan lahaa, haddii aan u baqeyn nafteeda” ayuu yiri Indha Cadde oo bixiyey wareysi dheer.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Yuusuf Indha Cadde

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this