Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yareey iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Diyaar garowga Doorashada 2020-ka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo deeq bixiyayaasha caalamka ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho kulan xog is waydaarsi oo ku saabsan hawlaha la xariiro doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey ayaa shirka ka sheegtay hawlaha doorashada la xariira iyo wixii guddiga uu ka qabtay.

Guddoomiye Xaliimo ayaa soo qaadatay  warbixin ay siisay golaha ammaanka November 21, 2019 oo ku saabsanaa doorashada 2020-ka iyada oo intaas raacisay in ilaa hadda ay guddigooda si KMG ah u diiwaangeliyeen ilaa 63 xisbi.

Waxaa kale oo ay goobta ka sheegtay kulan ay la qaateen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya kaas oo ay guddiga la wadageen barlamaanka, qorshaha guddiga ee ku aadan qabsoomidda doorashada soo socoto iyo hawlaha la xiriiray diyaar garowga giddiga u soo qabsoomay muddaadii la soo dhafay sida in guddiga xafiisya ka furtay dowlad- goboleedyada.

Guddoomiyaha guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay soo qaadatay dhowr madal oo ay u qabteen haweenka iyo ka qeybgalka siyaasadda oo ka dhacday Koonfur galbeed iyo Galmudug, siminaarro iyo shirar ay ka qeyb galeen sida African  EMB and Arab EMB.

Guddoomiyaha waxaa ay ka hadashay in hadda lagu jiro xaalad kala guur ah oo la diyaarinayo doorashooyinka 2020-ka iyo rajeyneysa in golaha shacabka ay la yimaadaan nooc fiican oo doorashada ah.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey waxaa ay beesha caalamka uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan yihiin guddiga iyo maalgelintooda ku aadan doorashada qof iyo codka ah ee 2020-ka.

Dhankooda xubnihii beesha caalamka ee goobta ka hadlay ayaa isku raacay sida ay diyaar ugu yihiin iney taageeraan dhaqaale ah doorashada 2020-ka, waxaa sidoo kale ay dhiirigeliyeen hawlaha guddiga

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this