Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo beesha caalamka u caddeeyey mowqfikiisa nooca doorashada 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray uga hadlay waxyaabihii looga hadlay kulankii manta Kismaayo ku dhex maray  madaxweyne Axmed Madoobe iyo wakiilka gaarka ah ee Xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo ay wehliyeen xubno kasocday Midowga Yurub Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Qoraalka Jubaland ayaa lagu sheegay in labada dhinac ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka 2020, khilaafka dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, iyo dhamaystirka dastuurka iyo qodobo kale.

Sida qoraalka lagu sheegay Axmed Madoobe,  ayaa sheegay in deyn xafinta ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayna ka shaqaynayaan sidii arrintaas ay miro dhal u noqon lahayd, balse ay lagama maarman tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ogaadan qalabka daynta looga cafinayo dalkeena iyo wadooyinka loo marayo.

Madaxweynaha isagoo ka hadlayay dhamaystirka Dastuurka, wuxuu sheegay in ay Dowlada Federaalku ka gaabisay in la dhamaystiro taas oo ay ka dhasheen khilaafyo ay ahayd in lagu dhex xaliyo dastuurka,  isla markana qaabka hada ay u socoto ayna ahayn sidii loo baahna iyadoo aan laga qaybgalin xubnahii dowlad goboleedyadu ay xaqa u lahayeen.

Qoraalka Jubaland ayaa sidoo kale intaas ku daray “Arrimaha doorashooyinka 2020 ayuu Madaxweynahu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga shaqeeyo oo cid gaar ah aanay danaheeda ka dhex raadin, si gaar ahna Madaxweynahu wuxuu xusay in Doorasho qof iyo cod ah aanay dalka ka dhici karin iyadoo aan la samayn tiro koob sax ah dhamaystirka dastuurka, arrimaha amaanka iyo wada hadalada Somaliland, intaasna aan wali wax wanaagsna laga qaban oo saamaxaya in dadku ay codeeyaan, iyadoo amniga dalku uu meel adag marayo, sidoo kalana ay muhiim tahay in nooca doorashada ay heshiis ka gaaran Dowlada Federaalka Dowladaha xubnaha ka ah iyo saamileeyda siyaasada dalka.”

Axmed Madoobe ayaa sheegay in khilaafka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, ay tahay caqabad weyn, iyadoo wali Dowlada Federaalka ah ay wado faragalinta ay ku hayso Dowlad Goboleedyada dalka, taas oo ay hada taagan tahay faragalinta qaawan ay ay ku hayso qaybo kamid ah Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo.

Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay in James Swan uu dhankiisa Madaxweynaha iyo Dowlada Jubbaland ku amaanay sida nabadgalyada leh ee ay wax u socdaan, isagoo sheegay in ay tahay wax lagu faano in wixii ka danbeeyay Doorashadii Madaxweynaha, sida ayna u dhicin waxyaabo nabadgalyada wiiqi karay.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in madaxweynaha ay ka wada hadleen hanaanka doorashooyinka 2020 iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loogu midoobi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this