Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Pakistan Oo Xukun Dil Ah Lagu Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Pakistan)-Maxkamad gaar ah oo ku taalla dalka Pakistan ayaa madaxweynihii hore ee millatariga ahaa ee dalkaas Pervez Musharraf, ku heshy dambi khiyaameyn qaran ah oo weyn, waxayna ku xukuntay dil.

24725D5B-C54B-4693-80F7-BE20E89D5792_cx0

Kiiskan ayaa waxaa xuddun u ah go’aankii Musharaf uu sanaddii 2007 ku hakiyey dastuurka dalka islamarkaana dalka kusoo rogay xaaladda deg deg ah.

Tallaabadaas muranka leh ayaa dhalisay dibad-baxyo xooggan oo ka dhan ah Musharraf ugu dambeynna hoggaamisay inuu si-casilo.

Hoggaamiyihii hore ee Pakistan, oo sidoo kale wajahaya dacwado la xidhiidha maalmihii uu xukunka hayey, ayaa ku gacan saydhay eedeymaha loo jeediyey oo uu ku qeexay kuwa ay siyaasad ka dambeyso.

Musharraf ayaa tan iyo sanaddii 2016 ku noolaa magaalada Dubai, markaasi oo laga qaaday xayiraad saarneyd, si uu caafimad uga raadsado dibedda.

Waxa uu sanaddii 1999-kii ku xukunka ku qabsaday afgambi aanu dhiig ku daadan, isaga oo riday dowladdii ra’iisul wasaare Nawaz Sharif, kaasi oo markii dambe uu u ceydhiyey dalka Saudi Arabia, isaga iyo xubnaha qoyskiisa.

76 jirkan ayaa waxa uu hadda inta badan waqtigiisa ku qaataa Dubai iyo London.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this