Deeq A. Posted December 17, 2019 Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaallada xeebta ku taalla Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. James Swan iyo wafdigiisa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey madaxda ugu sarreysa Jubbaland, iyadoo si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaaladaasi. Ergeyga QM ayaa haatan xarunta madaxtooyada maamulkaasi wadahadallo kula leh Madaxweyne Axmed Madoobe oo shalay dib ugu laabtay Kismaayo. Intooda badan wadahallada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa, xaaladda Jubbaland, khilaafka kala dhexeeyey dowladda iyo arrimaha doorashooyina ee 2020-ka. Kulankaan ayaa ku soo aadaya, iyoo weli halkiisa uu yahay khilaafka siyaasadeed ee dowladda iyo Jubbaland, kaas oo ka dhashay doorashadii maamulkaasi. Sidoo kale James Swan ayaa maalmihii dambe safaro ku kala bixinayey xarumaha maamul goboleedyada, isaga oo waday kulamo wadatashiyo ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites