Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliye ciidanka Xoogga dalka oo gaaray deegaanka Xaaji Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliye Ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Taliye ku xigeenka ayaa mid Mid u kormeeray fariisimaha ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka deegaanka iyo ciidanka Macawiisleyda oo ladagaalama Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise waxa uu kooxda Macawiisleyda kala hadlay sidii loo xoojin lahaa dagaalka Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this