Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyaadkii ku dagaalmay G/Mudug oo la kala qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta lagu guuleystay in la kala qaado maleeshiyaadkii dhowaan ku dagaalamay bariga gobolkaasi.

Dadaalladan ayaa waxaa si wadajir u sameeyey taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, maamullada Galmudug iyo Puntland.

Maleeshiyaadka labada dhinac ayaa la sheegay in la kala geeyey goobo gaar ah oo loogu tala galay, si loo qaboojiyo xiisada labada dhinac.

Maalmihii dambe xaaladda deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ayaa aheyd mid degan, waxaana kulamo dib u heshiisiineed ka waday taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this