Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Kala Qaadeysa Maleeshiyaadkii Ku Dagaallamay Gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in maanta oo Talaado ah lagu wado iney DFS kala qaaddo maleeshiyaadkii dhowaan ku dagaallamay deegaannada Towfiiq iyo Afbarwaaqo.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa kaalin mug leh ka qaadanaya nabadeynta deegaannadaasi, waxaana la kala dhexgalay dhinacyadii is hayey.

Wararka ayaa sidoo kale intaa ku daraya in la isku keenay waxgaradka Labada dhinac si looga wada shaqeeyo nabadeynta deegaannadan.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraal C/xamiid oo ay la socdaan saraakiil ka tirsan taliska 21-aad ayaa ku sugan deegaannadaasi, waxaana ay korjoogteyn doonaan heerka dib u heshiisiinta iyo ilaalinta amniga.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this