Sign in to follow this  
Deeq A.

James Swan iyo Axmed Madoobe oo kulan gaar ah ku leh magaalada KISMAAYO

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan oo goor dhow gaaray magaalada Kismaayo ayaa haatan kulan xasaasi ah la leh madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Kulanka oo ah mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in diirada lagu saarayo xalinta khilaafka xoogan ee u dhexeeya dowladda iyo Jubbaland.

Ujeedka safarka James Swan ayaa ah sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa khilaafkii ka dhashay doorashadii maamulkaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray, ciidamana la soo dhoobay waddooyinka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Lama oga natiijada ka soo bixi doonta kulankaan oo ku soo aadaya, iyadoo uu shalay madaxweynaha Jubbaland uu dib ugu laabtay gudaha magaaladaasi, kadib markii uu ka soo laabtay safar qaatay muddo hal todobaad ah oo uu ku joogay dalka Kenya.

Xiisada dowladda iyo Jubbaland ayaa sii xoogeysatay, iyadoona xubno ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo ku biiray dowladda ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaas oo ka wada kulamo siyaasadeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this