Deeq A. Posted December 17, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa saddex qof oo labo askar ahaayeen, midna uu ahaa qof shacab ah. Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa guulo ka sheegatay, sida ay ku baahisay boggageeda Internet-ka. Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya. Xaaladda haatan degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites