Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya weerar ka dhacay Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar saaka lagu qaaday fariisin ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen illaa saddex qof oo labo askar ahaayeen, midna uu ahaa qof shacab ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi iyo dagaalka xigay ayaa guulo ka sheegatay, sida ay ku baahisay boggageeda Internet-ka.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ugu yaraan illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Soomaaliya.

Xaaladda haatan degan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan weerarkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this