Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo weerar ka gaystay kantaroolka galbeed ee degmada Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa saaka weerar xooggan ku qaaday Kantaroolka galbeed ee degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Weerarka oo dhacay goor hore oo saaka ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo soo gaaray askar ku sugneyed kantaroolkaasi inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah.

Warar kala duwan oo halkaasi laga helayo ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex  askari oo ka tirsan ciidamadii kantaroolka joogay lagu dilay weerarkii saaka balse weli saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta degmada Balcad kama aysan hadlin khasaaraha.

Todobaadkii hore Al-shabaab ayaa weerar sidaan oo kale ku qaaday Xerada ciidanka Hiilweyne oo ku dhow degmada Balcad halkaasi oo ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo dad shacab ah.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo weerar ka gaystay kantaroolka galbeed ee degmada Balcad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this