Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Al-Shabaab oo saaka weerar khasaaro geystay ka fulisay degmada BALCAD

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar khasaaro geystay oo saaka ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/ Dhexe.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen barkoontarool oo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhexmaray ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo raggii weerarka soo qaaday.

Ugu yaraan illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay askar ahaayeen ayaa ku dhintay weerarka, halka qof ka kale uu ahaa shacab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa ka hadashay weerarkaasi, waxaana ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari, iyadoo intaasi ku dartay inay ka soo furatay laba qoray iyo booshashkooda, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa saaka weerar kula jarmaaday degmada Balcad, howlgalka oo ahaa mid qorshaysan waxaa lagu dilay 3 katirsan murtadiinta laba qori oo booshashkoodana waa lagasoo qaniimeystay.” sidaasi ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada dowladda ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen duleedka degmada Balcad.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ka fuliya waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoona ku dishay mas’uuliyiin ka tirsanaa dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this