Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo shaacisay inay duqeyn ku dishay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaa faah faahin ka bixiyey duqeyn diyaaradeed oo shalay ka dhacday gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo lala beegsaday deegaanka Dujumma oo 6Km u jira degmada Bu’aale ayaa waxaa fuliyey ciidamada Mareykanka oo kaashanaya saaxiibadooda Soomaaliya

Sidoo kale AFRICOM ayaa shaacisay in weerarkaasi dhinaca cirka ah lagu dilay sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan shaacin magaciisa.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntaan aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2019-ka xoojiyey howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale ciidamada huwanta ay ballaariyeen dhaq dhaqaaqyada Milatari ee ka socda gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay welo ku xoogan yihiin dagaalyahannada hubeysan ee kooxda Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this