Deeq A. Posted December 16, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) – Jabhad cusub oo ka dhan ah Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa lagaga dhawaaqay gudaha magaalada Buuhoodle. Jabhadan oo la magac baxday SSC, isla markaana loo soo gaabiyey Sool, Sanaag iyo Cayn, ayaa waxay si weyn uga biyo diidan tahay ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolada Sool iyo Sanaag. Jabhadan oo uu hogaaminayo nin lagu magacaabo Maxamed Axmed Cali, ayaa waxa uu sheegay in ujeedka ka dambeeya jabhadani oo loo aas-aasay uu yahay sidii gobolada Sool iyo Sanaag looga xoreyn lahaa Somaliland. Maxamed Axmed Cali, Hogaamiyaha Jabhadan cusub ee lagaga dhawaaqay magaalada Buuhoodle ayaa waxa uu shacab weynaha gobolkaasi u soo jeediyey inay gacan weyn ka geystaan duulaanka ka dhanka ah xukuumada Muuse Biixi oo ay hogaaminayso jabhadiisu. Jabhadan ayaa iyadu aaminsan haddii ay gacan ka helaan shacabka ku nool deeganadaasi inay ciidamada Somaliland ka saari doonaan deegaanada gobolada Sool iyo Sanaag, sida uu xusay hogaamiyaha Jabhadaasi. Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay la daala dhaceysay Jabhado cusub oo ka sameeysma gudaheeda, midaasi oo inta badan loo aaneyno hogaan xumada uu ku hago xukuumadiisa Madaxweyen Muuse Biixi. Share this post Link to post Share on other sites