Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Dibadbax Maanta Ka Dhacay Boorama Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boorama)-Wararka ka imanaya magaaada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa sheegaya in maanta uu ka dhacay banaanbax lagaga soo horjeedo xadhiga Suldaan Abshir Maxamed Ducaale oo ay ciidamada Boolisku xabsiga dhigeen shalay.

Boorama-1024x750.jpg

Dibadbaxan ayaa ka dhacay saaka xaafada Sisibta ee magaalaa Boorama, waxaanay dadkaasi shacabka ahi ay dalbadanyaan in xuriyadiisa dib loogu soo celiyo Suldaanka la xidhay.

Dhinaca kale ciidamada booliska gobolka Awdal Ayaa Waxay kala dareeriyeen shacabkii mudaharaadayay dhigayey waxaana halkaasi uu dhaawac ka soo gaadhay wiil dhalinyaro ah oo ay rasaasi lugta kaga dhacday.

Sidoo waxa jira warar la isla dhexmarayo magaalada Boorama gudaheeda oo sheegaya in Suldaan Abshir loo qaaday dhinga xabsiga Mandheera, inkastoo qaar ka mid ah Waraabinta ku sugan Boorama oo la hadashay Taliska Bileyska qaybta gobolka Awdal ay beeniyeen arintaasi.

Waxaanu halka idin ku soo gudbinaynaa hadallada lagu xidhay Suldaan iyo eheladiisa oo shalay ka hadlay xadhiggiisa, Halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this