Deeq A. Posted December 16, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob lagu qeybinayey mucaawino oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi. Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayo halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites