Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay deegaanka Godinlabe

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska maamulka Galmudug iyo maleeshiyaad hubeysan oo maanta ka dhacay deegaanka Godinlabe oo u dhexeeya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerar ku qaadeen goob lagu qeybinayey mucaawino oo ay ku sugnaayeen ciidamadaasi.

Ugu yaraan illaa saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadka labada dhinac, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Weli ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka deegaanka oo ku aadan dagaalkaasi.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada dhinac laga dareemayo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this