Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weeraro ay fulisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda labo weerar oo saacadihii la soo dhaafay ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso ee Puntland.

Weerarka koowaad oo lagu qaaday saldhigga waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayey Al-Shabaab sheegatay inay ku dhaawacday illaa labo askari, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in dil qorsheysan ay ka fulisay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu sheegay in marxuumka la dilay  lagu magacaabi jiray, Maxamed Axmed.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in ninkaasi uu ahaa sarkaal ka tirsanaa shirkad ka shaqeysa arrimaha amniga.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaalyahannada Al-Shabaab ay weerareen saldhigga deegaanka Hoosingow.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha labada dhinac soo gala gaaray, basle xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this