Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro Kaamirooyin aan noocooda horey loo arag oo lagu xiray jidadka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood ayaa inta badan lagu xiray kaamirooyin cusub oo lagala socon doono dhaq-dhaqaaqyada.

Kaamirooyinkaan ayaa lagu arkay inta badan isgoyska wadada Makka Al-Mukarama ayaa ah kuwa loogu talagalay in lagu sugo Amniga.

Kaamerooyinka oo ah nooca CCTV ayaa ku duwan kuwii hore oo muddo kadib howlgab noqday, waxayna wataan baallooyin u gaara, anteenooyin iyo qalab kale, waxaana lagu bilaabay wadooyinka u dhow Madaxtooyada Soomaaliya iyo isgoysyada waaweyn.

Kaamirooyinkaan ayaa waxaa laga maamulayaa Xarunta Nabadsugidda ee Habar Khadiijo, waxaana halkaas lagu diyaariyey shaashado tiro badan oo lagala soconayo dhaqdhaqaaqa Isgoysyada magaalada Muqdisho.

Marka Isgoysyada Muqdisho dhan lagu xiro kaamirooyinkaan ayaa wuxuu qorshaha yahay in la furo jidadka xiran ee Muqdisho, iyadoo halkaas la dhigi doono kaliya ciidamo baarayo gawaarida, waxaana dhaqdhaqaaqa lagala socon doonaa kaamirooyinkaas.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli Al-Shabaab ay amarro kusoo rogtay xarumaha ganacsiga waaweyn ee magaalada oo damiyey kaamerooyinkooda wadooyinka kusii jeeday, sida ay qortay Caasimada Online kadib markii qaar ka mida Kaamerooyinkaasi ay suurageliyeen in la garto xubno Al-Shabaab ka mida oo qaraxyo fuliyey.

Magaalada Muqdisho ayaa bilihii dhowaa ka nasatay qaraxyadii waa weynaa ee ay fulin jirtay kooxda Al-Shabaab.

80951345_2825184894208951_28927138216447 78725520_2825184647542309_68974299722652 79381875_2825184464208994_53841286066434 Camera-CCTV.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this