Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda wasaaradda difaaca iyo taliyaha ciidanka Xoogga oo hortagay golaha sahcabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe), wasiir ku xigeenka wasaaraddaasi, Cabdullaahi Colaad Rooble iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta hortagay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka oo goor dhow furmay ayaa waxaa shir guddoomiynaya, Mudane Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golahaasi, iyadoo uu sidoo kale goob-joog yahay ku xigeenka labaad, Mahad Cabdalle Cawad.

Golaha shacabka ayaa xubnahaani wax ka wey diin doono dib u dhiska ciidamada iyo sidoo kale dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa suurta gal ah in wax laga weydiiyo ciidamada faraha badan ee ay dhowana dowladda federaalka geysay deegaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa muddooyinkaan dambe waday qorshe lagu dardar gelinayo la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda, waxaana shalay hortagay wasiirka warfaafinta, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Dhowaan sidoo kale waxaa golaha uu su’aallo weydiiyey wasiirada kala ah amniga iyo duulista hawada, kuwaas oo ka warbixiyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this