Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka gaashaandhigga oo hortagaya Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa lagu wadaa inuu maanta hortago golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha ayaa warbixin guud ka dhageysan doono wasiirka, sidoo kalena su’aalo ka weyn diin doono howlaha wasaaraddaasi.

Su’aalaha ugu badan ayaa ku saab-sanaan doono arrimaha ciidamada iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Kulankaan oo qeyb ka ah Kalfadhiga lixaad ee golaha shacabka ayaa lagu wadaa inuu furmo saacadaha soo socda ee maanta.

Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waday su’aalo weydiinta wasiirada xukuumadda Xasan Cali Khayre, waxaan shalay golaha hortagay wasiirka wasaaradda warfaafinta, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this