Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo ballaaran oo ka socda waqooyiga Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka howlgallo ka wada waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Howlgallada ayaa yimid, kadib markii xalay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen saldhigga Booliska bartamaha ee magaaladaasi.

Saraakiisha amniga oo aan la xariirnay ayaa sheegay inay baaritaanadan ay ka warbixin marka ay soo gabagabeeyaan howlgallada socda.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkii xalay ku dhaawacmay illaa saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada Puntland, halka qofka kale uu ahaa shacab.

Dhinaca kale ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu soo qab qabtay ku dhowaad illaa 100 qof, inkastoo dadkaasi intooda dib loo sii daayey.

Dhowaan aya la filayaa in doorashada baarlamaanka iyo mida madaxweynaha Galmudug lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this