Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Amar-dambe Oo Maanta Hortagaya Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay leeyihiin mid kamid ah kulamadoodii caadiga ahaa.

Kulanka maanta ayaa waxay xildhibaannada su’aallo ku weydiin doonaan wasiirka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe).

Su’aalaha ay xildhibaannadu weydiin doonaan wasiirka waxaa ka mid ah arrimo ku aaddan ciidanka xoogga dalka, howlgallada ay wadaan iyo arrimo kale.

Golaha shacabka oo maalmahan dambe su’aallo weydiinaya qaar kamid ah wasiirada xukuumadda Kheyre ayaa horey waxay usoo su’aaleen wasiirada kala ah, Amniga, Gaadiidka& Duulista Hawada  iyo wasiirka warfaafinta.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this