Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilaa 50 ruux oo kud dhaawacmay isku dhacyo Booliiska Lubnaan iyo Dibad-baxayaal rayid ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalad dega’naan ah ayaa Isniinta maanta ka jirta magaalada Beirut ee caasimadda waddanka Lubnaan, kadib markii ciidamada Amnigu ay Sunta dadka ka ilmaysa iyo toobooyinka biyaha xooggan sayriya ku kala eryeen dibad-baxayaal caraysan oo mudaharaad ka sameeyay Afaafka hore ee xarunta Baarlamanka dalkaasi.

Dibad-baxayaasha ayaa si weyn uga caraysan hannaanka loo maamulo dhaqaalaha Waddanka Lubnaan, waxaana ay xisbiga talada haya ee dalkaasi ku eedeeyeen in uu musuq maasuq ay dhaqaalaha dowladda, taasin ay keentay hoos u dhaca ku yimid dhaqaalihii waddankaasi.

Sarakiisha Amniga magaalada Beirut ayaa warbaahinta u sheegay in ay kala eryeen, kooxo qaswadayaal ah oo rabashado ka sameeyay Baarlamanka hortiisa, balse hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa laga soo xigtay in ilaa  50 ruux ay ku dhaawacmeen , kadib markii Booliisku suntan dadka ka ilmaysa iyo tuubooyin biya-xooggan sayrinaya ku furay dibad-baxayaal rayid ah.

Sidoo kale, balse hay’adda Laanqeyrta Cas waxay xaqiijisay in isbitaalka la dhigay ilaa 20 ruux oo kamid ahaa dibad-baxayaasha, kuwaasi oo qaarkood ku miyir-doorsoomay isku dhacyada Booliiska iyo dibad-baxayaasha, halka qaar kalena ay neefsan waayeen.

PUNTLAND POST

The post Ilaa 50 ruux oo kud dhaawacmay isku dhacyo Booliiska Lubnaan iyo Dibad-baxayaal rayid ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this