Sign in to follow this  
Deeq A.

Digniin laga bixiyey calaf sumeysan oo la soo galiyay xuduudda SOMALILAND

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa maanta si adag uga digay Calaf xoolaad oo uu sheegay inay sumeysan-yihiin, isla markaana la soo galiyay gudaha deegaanada Somaliland.

Waddani ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha laga soo galiyay dhinaca xuduuda ee u dhaxeysa Somaliland iyo Jabuuti ee Lowyacaddo, wuxuuna xusay in loogu tala galay in loo qeybiyo dadka xoolo dhaqatada ee deeganadaasi.

Dr. Axmed Cabdilaahi Cige, Xoghayaha xanaanada xoolaha ee xisbiga Waddani oo maanta warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa, ayaa arrintaasi si adag uga hadlay, isagoona ku tilmaamay calafkaasi mid sumeysan oo lagu dabar goynayo xoolaha Somaliland.

Xoghaye Axmed ayaa sheegay in calafkaasi xoolaha ee sida Buushiga ah, uu dhan yahay 25-koontiira, isla markaana Hay’adda wadataa aysan uga dan laheyn macaawino, wuxuuna yiri

“Nin Muwaadin ah ayaa soo sawiray Gaadiid oo 25 ku sheegay oo soo galay xuduudka Lowyacaddo, wuxuu sheegay in Gaadiidka ay saaran yihiin 25 koontiinar oo sida Calaf xoolaad, sida Buushiga, kaasi oo xoolo badan ku filan”.

“Ninkaasi wuxuu sheegay in Gaadiidkaa Jabuuti ka timid ee Lowyacaddo ka soo gashay inay Hay’adi wadato, qoladii Kastamkuna cashuurayaan, marka ka cashuurana waddanka ayay soo galayaan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Ninkaasina wuxuu yidhi waanu tijaabinay buushigaa, wuxuu yidhi Buushigaa Diqsiga isku taagaa wuu dhimanayaa, Ninkaasi wuxuu yidhi xoolaheena ayaa lagu wadaa oo la siinayaa, waxaana loo qabayniyaa Xoolaha jooga Lowyacaddo illaa Taleex, Hay’adduna waxay ka dhigaysaa samo-fal wanaagsan inay xoolaha siinayso”.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaarada xanaanada xoolaha ee Somaliland, oo ku aadan calafka xoolaha ee uu Waddani sheegay in uu sumeysan-yahay, isla markaana Somaliland laga soo galiyay xuduuda ay la wadaagto Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this