Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay go’doominta Al-Shabaab ku soo rogtay degmada Luuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Luuq (Caasimada Online) – Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa tan iyo Jimcihii waxay ku jirtaa xaalad go’doomin ah, oo ay ku soo rogtay Al Shabaab, iyadoo degmadaasi laga dareemay karkarka kuleelka ee ka dhashay xaaladaasi go’doominta ah.

Go’doominta ayaa waxay timid, ka dib markii Ururka Al Shabaab uu u yeeray lix ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Degmada Luuq, balse uu Maamulka Degmada ka war helay, isla-markaana uu odayaasha ugu goodiyay inaanay ku soo laaban doonin Luuq, haddii ay ka jawaabaan dalabka uga yimid Al Shabaab.

Shabaabka oo tallaabadaasi ka carooday ayaa cunaqabateen deg deg ah ku soo rogay Degmada Luuq, iyagoona ganacsatada ku wargeliyay inaanay wax ganacsi ah keeni karin degmadaasi, ciddii keentaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.

Aadan Faarax oo ka mid ah waxgaradka Degmada Luuq ayaa faah faahiyay sababta ay Shabaabka ugu yeereen Odayaasha Dhaqanka iyo waxa ay ka doonayaanba, wuxuuna yiri “Al Shabaab waxay muddooyinkanba waday Ugaasyo ay u samayneysay beelaha. Marka beesha odayaashaan ka soo jeedo ayay hadda u samayneysay Ugaas, sidaasi daraadeed ayaana odayaasha loogu yeeray.”

Aadan Faarax ayaa yiri “Al Shabaab waxay Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xasan Gaalshireedle/Mareexaan ka dooneysay inay yimaadaan Deegaanka Golweyn oo 35 u jira Degmada Luuq, oo ah meesha Ugaaska cusub loogu samaynayo Beesha Gaalshireedle, hadafkooduna wuxuu yahay inay odayaasha taageeraan Ugaaska cusub, waa intaas inta ay Al Shabaab ka dooneysay.”

Aadan Faarax ayaa daboolka ka qaaday in uu socdo dadaalo ay garwadeenka ka yihiin ganacsatada Degmada Luuq, si degmadaasi laga saaro go’doominta ay ku hayso Al Shabaab.

“Hadda waxaa socdo dadaalo lagu doonayo in go’doominta looga saaro Degmada Luuq, ganacsatada ayaana hormuud u ah. Ganacsatada waxay maalintii Sabtida la kulmeen Maamulka Degmada Luuq, wayna dareensiiyeen caqabadda ka dhalatay go’doominta lagu hayo magaaladaan, waxayna ka dalbadeen inay iska fasaxaan odayaasha, si go’doominta looga saaro magaalada, ganacsiguna uu u noqdo mid caadi ah, wayna ka aqbaleen.” Ayuu yiri Aadan Faaarax.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri “Axadii shalay waxaa is raacay guddi ka tirsan ganacsatada Luuq iyo Odayaashii Dhaqanka ee Al Shabaab u yeertay, waxayna ku maqan yihiin Deegaanka Golweyn. Ganacsatada waxay rabaan inay Al Shabaab ku qanciyaan in loo soo fasaxay odayaashii ay doonayeen, degmadana ay uga qaadaan amarka ay duldhigeen.”

Aadan Faarax ayaa wuxuu ammaanay doorka ganacsatada Degmada Luuq, haddii degamdaasi laga dareemay dhibaatada ka dhalatay go’doominta sida uu yiri ka jirtay saddexdii cisho ee ugu dambeysay.

“Shacabka way ku farxeen dadaalada ay wadaan ganacsatada, maadaama magaalada oo dhan laga dareemay caqabadda ka dhalatay go’doominta saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka jirtay, waxaana rajeynaya in dadaalkooda uu guuleysto.” Ayuu yiri Aadan Faarax.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this