Sign in to follow this  
Deeq A.

Fiqi: Ilaalada Villa Somalia way la xun tahay arrinta ay samaynayaan wayna qirteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka hadlay go’aanka ay Villa Somalia soo saartay ee xeendaabka madaxtooyada loogu diiday inay wax ciidamo ama ilaalo ah la galaan mas’uuliyiinta dowladda.

Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook, ayaa sheegay in Villa Somalia oo “horey u kala xirtay shacabka ay hadda kala xirtay hay’adihii dowladda.” Hoos ka aqri qoraalka

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay la xayiray dhammaan wadooyinka agmara ama soo gala madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaa laga mamnuucay ilaalada la socota mas’uuliyiinta dawladda, xildhibaanada iyo saraakiisha ciidamada intooda badan.

Ciidamadu si aan usluubaysnayn ayey ula dhaqmayaan mas’uuliyiinta dawladda, waxaana la yaab leh In ciidamada booliska dareeskooda ciddii wadata aysanba carriga ka soo ag-dhowaan karin.

Hey’adaha dawladda ee agagaarka madaxtooyada ku yaalla waxba kalama socdaan amarkaas soo boodada ah, mana jirto cid fasiraad ka bixisay waxa loola Jeedo, marka laga reebo askarta qaarkood ay la xun tahay waxa ay samaynayaan oo ku dhahaya kor ayey arrintu ka socotaa!

Madaxweyne Farmaajo saddexdii sano ee uu talada dalka hayey waxa la kala xiray isku socodkii Magaalada MUQDISHO, sanadkii u danbeeyeyna waxaa bilowdey kala xirista isu socodka hey’adihii dawladda..

Hey’adda golaha shacabku kuma sii shaqayn karto xaaladdu hadda sida ay tahey haddii degdeg wax looga bedelin! Suurtagalna ma ahan madaxweynaha In ay isaga qaldanto mas’uuliyiintii hey’adaha dawladda iyo kooxda alshabaab, mana ahan madaxweynuhu inuu ka naf-jecleysto umadda inteeda asagoo madaxtooyada dhexdeeda loogu keenayo cabashada umadda iyo tan mas’uuliyiinta dawladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this