Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha booliska oo laga celiyey xeendaabka Villa Somalia iyo kan asluubta oo xoog ku gudbay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa loo diiday in uu ciidan la galo taliska Booliiska Soomaaliya ee Kumaanda Bulisiye, kaas oo u dhaw madaxtootada Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Taliye Xijaar ayaa ciidanka ilaalada madaxtooyada ee ku sugan Kantaroolada laga ilaaliyo Villa Somalia waxay u sheegeen in aysan amar u qabin in la sii daayo ciidan balse ay u ogolyihiin darwalkiisa oo kaliya si uu utago taliska Booliiska ee Kumaanda Bulisiya balse laga reebayo ciidanka kale ee Istaafka ah.

Sida ay ilo-wareedyada u sheegeen Caasimada Online, Cabdi Xasan Xijaar ayaa falkaasi ka carooday islamarkaana uu dib ugu laabtay halkii uu ka yimid ilaa hadana uusan tagin taliska ee Kumaanda Bulisiya.

Warar kale ayaa sheegaya in uu maanta barqadii ka galay dhina 15 May, isagoo lugeynayo.

Dhinaca kale taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya Jeneral Mahad Cabdiraxmaan ayaa xoog ku maray mid kamid ah kontaroolada madaxtooyada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu gaariga ka dagay kadibna uu ciidankii la socday ku yiri soo gudba taas oo sababtay muran cabaar socday kadibna loo fasaxay in uu la soo gudbo.

Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ka baqay isku dhac sababi kara dhimasho, ayaan jawaab ka bixin tallaabado uu qaaday Jeneral Mahad.

Wararka ayaa sheegaya in taliska madaxtooyada ay dacwad ka gudbiyeen Jeneral Mahad, iyagoo sheegay in ay ka baaqsadeen dagaal uu taliyaha diyaar u ahaa balse ay sugayaan amar kale oo arrintaan la xariira.

Shalay ilaa maanta waxaa Kontaroolada madaxtooyada loo diiday in ay ka soo gudbaan wax ciidan ah waxaana taagan muran iyo doodo culus oo arintaan ka dhashay.

Wasiirada, xildhibaanada iyo taliyayaasha ayaa doonaya inay ciidankooda la gudbaan, balse waxaa go’aankan la qaatay kadib markii xubno Shabaab ah oo ku hubeysan dharka ciidanka ay weerareen hotel SYL oo ku dhow Villa Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this