Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo boqolkiiba Sideed boqol kordhisay Miisaaniyadda Guddiga Doorashooyinka TPEC

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka dowladda Puntland, ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay, Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda laga bilaabo maanta oo ku beegan 15 December 2019, taasi oo socon doonta mudda saddex bilood ah oo ku eg, 15 March 2020-ka.

Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC) Guuleed Saalax Barre, ayaa go’aankaasi ka shaaciyay, munaasabad xalay ka dhacday caasimadda Garoowe oo lagu daah-furay Qorshe-hawleedka Guddiga Puntland oo soo bandhigaya Jadwalka loo marayo hirgelinta Barnaamijka Xisbiyada badan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa  halkaasi ka sheegay, in Xukuumadda Puntland ee hadda talada haysa, ay boqolkiiba Sideed boqol (800%) kordhisay Miisaaniyadda ku baxaysa Hawlaha Guddiga Doorashooyinka Puntland, taasi oo uu sheegay in Guddigu kaga maarmi doono  Ku-tiirsanaantii Xad-dhaafka ahayd ee Deeq-bixiyaasha Caalamka.

Guddoomiyaha Guddiga TPEC, ayaa sidoo kale  Munaasabaddii Xalay ka ballan-qaaday, in bisha October ee sannadka 2021-da, ay dhammaan degmooyinka Puntland ka qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah.

Halkaan hoose ka daawo khudbadda Guddoomiyaha oo dhan

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Puntland oo boqolkiiba Sideed boqol kordhisay Miisaaniyadda Guddiga Doorashooyinka TPEC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this