Deeq A. Posted December 15, 2019 (SLT-Washington)-Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo, ayaa ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonan taasi oo la xidhiidha weeraro lagu qaaday xeryo Millatariga Mareykanka kaga sugan yihiin wadanka Ciraaq. War saxaafadeed ka soo baxay Pompeo ayuu sheegay in Iiraan ay taageero siiso maleeshiyo khalkhal ku heysa amniga Gobolka. Waxaa waajib nagu ah anaga oo ka faa’ideysaneyna fursadayada in aan ka hortagno weerarada ay Iiraan hormuudka ka tahay ee ka dhanka ah ciidankeena iyo danaha wadamada saaxiib wadaaga aa nahay ayuu yidhi Pompeo. Arintaan ayaa imaaneysa maalmo kadib markii weerar lagu qaaday saldhig Milatariga Mareykanka kaga sugan yihiin duleedka magaalada caasimada ah ee Baqdaad. Source Share this post Link to post Share on other sites